7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 23, 2022
Guddoomiyha degmada Kismaayo: Laguma sii jiri karo in ay Alshabaab maalin walba layso dadka birimagaydada ah
 

Arbaco, Febraayo, 23, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha degmada Kismaayo, Cumar Faraweyne ayaa ku eedeeyay kooxda Alshabaab in ay ka dambeeyeen dilka Sheikh Cabdinaasir Xaaji Axmed, oo shalay qarax gaari loogu xiray ku geeriyooday.

Guddoomiye Cumar Faraweyne oo ka qeyb galayay aaska marxuumka ayaa sheegay, dilka wadaadka iyo sidoo kale laynta dadka birimagaydada ah in aysan cabsi galin doonin dagaalka ay kula jiraan wuxuu ugu yeeray cadowga diin laawayaasha ah.

“Sheikh Cabdinaasir waxaa dilay koox Diin laawayal ah, oo haba yaraatee aan Diinta islaamka meelna kasoo galin. Maxaaa yeelay Sheikh wadaad ah oo diinta islaamka dadka faraya, in la dilo sax ma ahan,” ayuu yiri Cumar Faraweyne.

Guddoomiyaha ayaa sheegay dilka Sheikh Cabdinaasir inuu yahay cabsi dadka Diinta lagu nacsiinayo, wuxuuna sheegay Alshabaab in ay horey u laayeen culimo waaweyn oo kamid ah xerta Sheikh Cabdinaasir.

“Marxuumka waqtigiisa ka dhaafeen. Laakiin waxay talo utaalaa dadka islaamka ah iyo dadka ehlu diinka ah iyo dadka Soomaaliyeed, saatan laguma sii jiri karo. Maalin dhowayd waxaan halkaan joognay iyadoo lagu laynayo dad masaakiin ah oo shacab ah,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyaha Kismaayo.

Dilka Sheikh Cabdinaasir ayaa si weyn u taabatay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda culimada oo uu katirsanaa.

Culimada Soomaaliyeed oo dilkiisa ka hadlay waxay ugu baaqeen dowladda Soomaaliyeed iyo maamulada dalka in ay qaadaan tallaabo degdeg ah oo wax looga qabanayo kooxaha dadka ku laynaya qaraxyada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online