7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 23, 2022
Afhayeen Macalimow oo dib ugusoo laabtay Muqdisho kadib soo kabashadiisii qaraxii lagu dhaawacay


Arbaco, Febraayo, 23, 2022 (HOL) - Afhayeenka Xukuumada Maxamed Ibraahin Macallimuu ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii dalka Turkiga looga soo daaweyay dhaawac ka soo gaaray qarax lagula beegsaday Muqdisho bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo bahda saxaafadda ayaa ku soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Macallimuu isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu ka bogsooday dhaawaca weerarkii la beegsaday.

Macalimow, ayaa isagoo warbaahinta kula hadlayay Muqdisho wuxuu si gaar ah ugu mahad celiyay raysal wasaare Rooble, isagoo uga mahad celiyay inuu masuuliyad gaar ah iska saaray xaaladdiisa caafimaad iyo soo kabashadiisa.

Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa u sharraxan kursi kamid ah aqalka hoose, waxaana maalmaha soo socda uu tagayaa magaalada Baladweyne, halkaas oo kursigiisu uu yaalo.

In ka badan 4 jeer ayuu Macalimow ka badbaaday qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho.Hase ahaatee, qarixii ismiidaamin ee ugu dambeeyay wuxuu ahaa mid isaga si toos ah loo beegsaday.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online