Faah Faahin : Cali Jeyte Cismaan oo markii labaad noqonaya guddoomiyaha gobolka Hiiraan

Arbaco, September,
20, 2017 (HOL) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi
Waare ayaa wareegto uu soo saaray xilkii uga qaaday guddoomiyihii gobolka
Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow isaga oo xilkan u magacaabay Cali Jeyte
Cismaan.
Taallabada uu qaaday madaxweynaha cusub ayaa u
muuqaal eg tii madaxweynihii ka horeeyay ee kalsoonida lagala noqday oo
wareegtadiisii ugu horeeyay ee uu soo saaray 26kii bishii October ee sanadkii
2016ka u magacaabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan isaga oo
xilka ka qaaday guddoomiyihii hore Yuusuf Axmed Hagar.
Waa markii labaad ee Cali Jeyte Cismaan loo magacaabo in uu noqdo guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha xilka laga qaaday Cumar Baadiyoow ayaa siweyn isku bar bar taagay Cali Cabdullaahi
Cosoble isaga oo kalsooni kala
noqoashadii xildhibaannada Hirshabeelle ee Cali Cabdullaahi Cosoble ku tilmaamay mid sharci darro ah.
Akhriso wareegtada magacaabista Cali Jeynta Cismaan :
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com