4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 20, 2017
Dabley saddex ruux ku dishay bariga gobolka Mudug

 

Arbaco, September, 20, 2017 (HOL) -Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in kooxo dabley ah weerar ku qaadeen gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayay deegaan lagu magacaabo Godad oo Bariga uga beegan gobolka Mudug.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay saddex ruux oo shacab halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 7 ruux oo kale.

Saraakiil ka tirsan maamulada Puntland ayaa Galmudug ayaa sheegay in dadka la dilay iyo kuwa wax dilay ay ahaayeen xoolo dhaqato.

Guddigii dhawaan loo xil saaray nabadeynta Galmudug ayaa lagu waddaa in ay dhawaan gaaraan goobta ay wax ka dhaceen.

Magaalada Gaalkacyo dhinaca Waqooyi Isbitaal ku yaala ayaa lasoo gaarsiiyay dhaawacyadda dadkii la weeraray.

Dilalka iyo weerarada inta badan ka dhacay dhulka Miyig ah ayaa la sheegaa in ay yihiin kuwo ku saleysan Aano Qabiil.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]