4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 20, 2017
Faah Faahin : Cali Jeyte Cismaan oo markii labaad noqonaya guddoomiyaha gobolka Hiiraan

 

Arbaco, September, 20, 2017 (HOL) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto uu soo saaray xilkii uga qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow isaga oo xilkan u magacaabay Cali Jeyte Cismaan.

Taallabada uu qaaday madaxweynaha cusub ayaa u muuqaal eg tii madaxweynihii ka horeeyay ee kalsoonida lagala noqday oo wareegtadiisii ugu horeeyay ee uu soo saaray 26kii bishii October ee sanadkii 2016ka u magacaabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan isaga oo xilka ka qaaday guddoomiyihii hore Yuusuf Axmed Hagar.

Waa markii labaad ee  Cali Jeyte Cismaan loo magacaabo in uu noqdo guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday Cumar Baadiyoow ayaa siweyn isku bar bar taagay Cali Cabdullaahi Cosoble isaga oo kalsooni kala noqoashadii xildhibaannada Hirshabeelle ee Cali Cabdullaahi Cosoble ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Akhriso wareegtada magacaabista Cali Jeynta Cismaan :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]