4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 20, 2017
Madaxweynaha dalka Uganda oo ku baaqay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

 

Arbaco, September, 20, 2017 (HOL) –Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ku baaqay in la xoojiyo dagaalka ka dhan ka ah Ururka Al-shabaab kaddib kulan uu magaalada New York kula qaatay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain Boris Johnson.

Labada Mas’uul waxay magaalladda New York kaga qeyb galayaan Shirweynaha 72-aad ee Golaha Guud ee QM oo shalay furmay.

Wargeyska The MONITOR ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa qoray inay Yoweeri Museveni iyo Boris Johnson kaga wada hadleen Xaalladda Ammaanka ee dalalka Somalia, South Sudan iyo Burundi.

Yuweri Museveni ayaa walaac xooggan ka muujiyay dadaalka beesha caalamka ee hawlgalka ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

Waxaa uu ku baaqay in la xoojiyo taageeradda qalabka ee la siinayo Hawlgalka AMISOM si ay u dhamaystiraan waxa uu ugu yeeray Shaqadooda.

Dowladda Uganda ayaa Soomaaliya u soo dirtay ciidammadii ugu horeeyay ee lagu bilaabay howlgalka midowga nabad ilaalinta midowgga Africa ee Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]