3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 20, 2017
Danjiraha Soomaaliya ee QM oo ka hadlay doodda ku saabsan lacagta xubinnimada ee lagu leeyahay Soomaaliya

Arbaco, September, 20, 2017 (HOL) – Qoraal lagu daababay bogga Qaramada Midoobay, kaas oo ku taariikhaysan 07 September 2017, kana soo baxday xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagaga hadlay illaa afar dal oo lagu leeyahay lacag oo ay ku jirto Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu soo xigtay qodobka 19aad oo dhigaya in dalalka lagu yeesho lacagta qaaraanka ah ee xubinimada dalka muddo laba sannadood ah, inuu dalkaasi waayi kari karo xaqqii uu u lahaa inuu codeeyo, haddii dalkaasi aanu la iman sabab macquula oo keentay inuu lacagta iska bixin kari waayo, isla markaana golaha Sare uu ku qanco.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan oo la hadlay VOA ayaa sheegay inuu arkay waraaqdan, hase ahaatee aanu hubin inay sax tahay iyo in kale.

Danjiraha ayaa sheegay inay jirto in Somalia lagu leeyahay lacagihii qaadhaanka ahaa ee dal ahaan looga rabay, taas oo aan 15-kii sano ee ugu dambeeyey aan la bixinin.

Danjiraha ayaa sheegay inay sannad walba codsanayeen in dib loo dhigo bixinta lacagtaas, sannadkanna ay sidaas sameeyeen.

Danjiraha ayaa meesha ka saaray islamarkaana been abuur ku tilmaamay in loo diiday Soomaaliya in ay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ka hadlaan ama cod ku dhax yeeshaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/20/2017 2:42 PM EST
Arbaco, September, 20, 2017 (HOL) - Raysulwasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre iyo wafdigiisa ayaa maanta kulamo gooni gooni ah la yeeshay madaxda wadamo dhoowr ah oo ay ka mid yihiim Madaxweynaha dalka Turkey Recep Tayyip Ordogan, Madaxda Midowga Yurub, Dowlada Norwey, iyo Madaxkale oo aad u baddan.

9/20/2017 11:01 AM EST
Arbaco, September,20, 2017 (HOL)- Dufcaddii 14aad ee ka qalinjabisa jaamacadda Hargeysa ayaa maanta xarunta Jaamacadda ku sagootisay ardaydii ugu badnayd ee ka qalinjabisay kuuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa.

9/20/2017 10:53 AM EST
Arbaco, September, 20, 2017 (HOL) – Guudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa xilka kala wareegay Cumar Aadan Ibraahim Baadiiyoow oo xilka looga qaaday wareegto ka soo baxday madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle.

9/20/2017 9:13 AM EST
Arbaco, September, 20, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa kormeeray qaar kamid ah beeraha ku yaal degmada Doolow iyo sidoo kale mashaariic lagu horumarinayo wax soo saarka beeraha oo qurbajoog reer Jubaland ah ka hirgeliyeen degmadaasi.

9/20/2017 6:42 AM EST
Arbaco, September, 20, 2017 (HOL) - Heshiis dhaxmaray dowladda Soomaaliya iyo hay’adda duulimaadyada caalamiga ah ICAO ayaa leysku afgartay in ku dhawaad 30 kaddib Soomaaliya lagu wareejiyo maamulka hawadda.

9/20/2017 5:22 AM EST
Arbaco, September, 20, 2017 (HOL) –17-sano jir Soomali Kanadiyan ah ayaa sameeyay taleefoon casri ah ka dib markii hooyadii ay u awoodi weyday in ay u iibiso taleefankii uu doonayay ,waxaana dadaal dheer ka dib u suurtagashay in meel hoose uu ka bilaabo farsamaynta mobilkiisa.

9/20/2017 4:45 AM EST
Arbaco, September, 20, 2017 (HOL) -Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in kooxo dabley ah weerar ku qaadeen gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayay deegaan lagu magacaabo Godad oo Bariga uga beegan gobolka Mudug.

9/20/2017 4:38 AM EST
Arbaco, September, 20, 2017 (HOL) –Ciidamada Kenya ee qeybta ka ahaa howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ku sugnaa magaalada Baardheere ayaa lagu soo waramayaa in ay halkaasi isaga baxeen..

9/20/2017 4:31 AM EST
Arbaco, September,20 2017 (HOL) – Maamulka Galmudug ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraal lagu baahiyay baraha bulshadu kuwada xiriiraan kaa oo ku saabsanaa in Galmudug taageertay go’aanka wadamada Khaliijka ee ka dhanka ah Qatar.

9/20/2017 3:34 AM EST
Arbaco, September 20, 2017 (HOL) –Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ku baaqay in la xoojiyo dagaalka ka dhan ka ah Ururka Al-shabaab kaddib kulan uu magaalada New York kula qaatay Xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalka Britain Boris Johnson.

9/20/2017 1:41 AM EST
Arbaco, September, 20, 2017 (HOL) – Hal qof ayaa ku dhintay Labo kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

9/20/2017 1:19 AM EST
Arbaco, September, 20, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya dalka Mexico ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dhul-gariir xooggan, oo cabbirkiisa lagu qiyaasay illaa 7.1 Magnitude. Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ku soo waramaysa in dhimashadu ay haatan marayso illaa 134 qof.

9/20/2017 12:50 AM EST
Arbaco, September, 20, 2017 (HOL) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto uu soo saaray xilkii uga qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow isaga oo xilkan u magacaabay Cali Jeynta Cismaan.