4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 20, 2017
Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Arbaco, September, 20, 2017 (HOL) – Hal qof ayaa ku dhintay Labo kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Qof dhintay oo magaciisa lagu soo kooban Abuu-Shiine ayaa la sheegay in gaarigiisa loogu soo xiray walxaha qaraxa sidoo waxaa qaraxa ku dhaawacmay labo ruux oo rayid ah oo mid ka mid ah uu soo gaaray dhaawac culus.

Qofkan lagu bartilmaameedsaday qaraxa ee gaarigiisa loogu soo xiray ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in uu ka tirsanaa shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa todobaadyadii ugu danbeeyayba waxaa ku sii xoogeysanayay dilalka iyo qaraxyada lagu bartilmaameedsado shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha ciidamada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]