4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 20, 2017
Galmudug oo beenisay in ay taageertay mowqifka wadamada Khaliijka ee ka dhanka ah Qatar

 

Arbaco, September,  20, 2017 (HOL) – Maamulka Galmudug ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraal lagu baahiyay baraha bulshadu kuwada xiriiraan kaa oo ku saabsanaa in Galmudug taageertay go’aanka wadamada Khaliijka ee ka dhanka ah Qatar.

C/raxmaan Jaamac Afrax wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta maamulka Galmudug ayaa warbaahinta u sheegay in qoraalkaasi uusan aheyn mid ka soo baxdy maamulka Galmudug.

“Waa waxba kama jiraan waana been abuur qoraalka lagu baahiyay qaar ka mid ah bogaga Internet-ka kamana tarjumayo aragtida Galmudug, si cad ayaan u beenineynaa” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Warfaafinta.

Qaar ka tirsan maamul goboleedyada dalka ayaa taageeray go’aankii xulufada Sacuudiga, mamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeeyay oo sheegay in uu taageersan yahay Sacuudiga, kana soo horjeedaan Qadar.

Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif dhaxdhaxaadnimo ah ka qaadatay khilaafka soo kala dhaxgalay wadamada Khaliijka kaddib markii ay xulafada uu hogaaminayo Sacuudiga xiriirka u jareen dowladda Qatar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]