Dufcaddii 14aad oo maanta ka qalinjabisay Jaamacadda Hargeysa
Arbaco, September,20, 2017 (HOL)-
Dufcaddii 14aad ee ka qalinjabisa jaamacadda Hargeysa ayaa maanta xarunta
Jaamacadda ku sagootisay ardaydii ugu badnayd ee ka qalinjabisay kuuliyadaha
kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa.
Munaasibad balaadhan oo ay ka soo
qaybgaleen maamulka jaamacadda, ardaydii qalinjabinaysay, waalidiintooddii iyo
marti sharaf kale, waxa kale oo ka soo qaybgallay madaxweynaha Somaliland Axmed
Siilaanyo.
Sanadba sanadka ka dambaysa waxa
kor usii kacaya arday badan ee ka qalinjabinaysa jaamacadda, waxaana sanadkan
ka qalinjabiyey 1,126 Arday oo ka baxay kuuliyaddo kala duwan.
Gudoomiyaha Jaamacadda, guddida
jaamacadda iyo qaar ka mid ah marti sharaftii ayaa ardayda qalinjabisay ugu
duceeyey inuu ilaahay ku anfaco aqoontaasi ay barteen.
“dalka dhawaan waxaa ka dhici
doonta doorashadii Madaxtooyada, ardayda jaamacaduhuna waxay ka mid yihiin
halbawla-yaasha gacan siiya Guddida Doorashooyinka, sidaa darteed, waxaan
idinkula dardaarmayaa in aad xilka u gudataan si sharciga waafaqsan oo
xilkasnimo iyo xaqsoor ku jiro”.ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo ardayda la
hadlayey.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ka
sheekeeyey mudadii todobadda sanno ahayd ee uu xilka hayey inuu horumar ku
sameeyey dhinaca waxbarashadda.
“Markii Xukuumadaydan talada la
wareegtay, dalka waxaa ka jiray 51 Dugsi Sare, iyo 531 Dugsi Hoose/Dhexe, oo la
dhisay muddo 49 sannadood gudahood 1960 - 2010. EEBE Mahadii, muddadii 7 sanno
ahayd, waxaannu dhisnay 61 Dugsi Sare, iyadoo tirada dugsiyada sare yihiin
maanta 112 dugsi, waxa kordhay %54.”ayuu yidhi.
Waxa kale oo uu intaas ku daray “waxaannuu
dhisnay muddadaa 397 dugsi Hoose-Dhexe, iyadoo tirada dugsiyada Hoose-Dhexe
maanta yihiin 928 dugsi. Waxaannuu ka dhignay waxbarashadii Hoose-Dhexe
bilaash, si loo wada awoodo, taasi waxay keentay in ay korodho tiradii ardaydu,
dugsiyadana la kordhiyo.”
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.