Hub saarnaa markab ku soo xirtay dekeda Kismaayo oo la qabtay

Talaado, Janaayo, 24, 2017 (HOL)- Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Jubaland ayaa gacanta ku dhigay hub saarnaa mid kamid ah maraakiibta ku xiran dakadda magaalada Kismaayo, hubkaa oo aan ilaa hadda la xaqiijin halka uu ku wajahnaa.

Ciidamada ayaa qabtay Sanduuqyo waaweyn oo lagu soo dhex qariyay mid kamid ah Konteenarro siday shixnado ganacsi oo saarnaa Markabka, kuwaa oo ay ka buuxeen Baastoolado.

Madaxda Jubaland wali kama hadlin arrintan, waxayna sheegeen in ay socdaan baaritaanno, sidoo kale ma jiraan warar xog ogaal ah oo ku saabsan hubkan iyo halka uu ku wajahnaa.

Hiiraan Online waxay idin soo gudbin doontaa wixii wararkaasi ku soo kordha.

Hiiraan Online, News Desk