Wararkii ugu danbeeyay xaalada degmada Afgooye kadib dagaal culus oo shalay ka dhacay

Talaado, Janaayo, 24, 2017 (HOL)- Xaalada degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa saakay degan kadib weerar culus oo galab dhicii shalay ay ku qaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo gudaha u galay qeybo ka mid ah degmada.

Saraakiisha maamulka degmada Afgooye ayaa ku eedeeyay Al-shabaab ay dileen dad rayid ah, waxaana ka mid ah dadka la sheegay in maalintii shalay Al-shabaab ay dileen haweeney lagu magacaabi jiray Xabiibo Cali oo ka mid aheyd ganacsatada waaweyn ee degmada oo ay ku dhaxtoogteen gudaha beerteeda.

Guud ahaan dagaalka ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen shan ruux oo badan dhinacyadii dagaalamay, waxaana saakay ka socda xaafadaha degmada baaritaano ay wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya.

Weerarkii maalintii shalay ay soo qaadeen Al-shabaab ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee sanadkan ay ka geystaan degmada Afgooye oo sidan oo kale dhowr jeer oo hore weeraro kala duwan ay ku qaadeen.

Ugu danbeyntii, saacadihii ugu danbeeyay ee shalay waxaa degmada gaaray ciidamo xoojin ah oo ka tirsan dowlad federaalka Soomaaliya oo gacan siinaya ciidamadii horay u sii joogay degmada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]