Shir ku saabsan istaraatiijiyada shaqo ee hayadaha samafalka ee maxaliga ah oo lagu qabtay Nairobi

 

Talaado, Janaayo 24, 2017 [HOL]-Shir ku saabsan istaraatiijiyada shaqo ee hayadaha samafalka ee maxaliga ah ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Nairobi.

Shirka ayaa ahaa labo qeybood; qeyb subixii ah iyo qeyb galabkii ah. Saaka ayaa waxaa dhacday qeybtii hore oo hayadaha maxaliga ah lagu marti qaaday.

Qeybta galabkii ah oo socota haatan oo aanu warbixintaan qoreyno ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya hayadaha caalamiga ah  ee ayagu ka hawlgala Soomaaliya.

Shirkaa ayaa waxaa soo qabanqaabisay dallada hayadaha samofalka ee ka shaqeeya gudaha Soomaaliya.

Waxaa ka soo qeyb galay ugu yaraan dhowr iyo labaatan hayadood waxaana lagu gorfeynayaa istaraatiijiyada cusub ee hayadaha samafalka ee Soomaaliya ka shaqeeya ay ku shaqeynayaan min 2017 ilaa 2019.

Qorshahaan ayaa waxaa sidoo kale lagu hagayaa dallada hayadaha Soomaaliya ka hawlgala.

Shirkaan ayaa kusoo beegmay xilli dawlada Soomaaliya dhawaan loo dajiyay qorshaha horumarinta qaranka [National Development Plan-NDP] oo baddalay New Deal.

Waxaa sidoo kale shirkaan uu kusoo beegmay xilli saaxada siyaasada iyo arimaha gargaarku isbaddalayaan gudaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale uu kusoo aaday xilli dadka Soomaaliya ee ku dhaqan Soomaaliya ay u baahan yihiin in badan oo ka tirsan cawimaad aad ah oo baniaadminimo maadaama abaar ba'ani dalka ka jirto.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi Kenya
[email protected]