Barakac ka bilaawday qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose

Talaado, Janaayo, 24. 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, ayaa sheegaya in qeybo ka mid ah degmada bilaabeen dadka rayidka ah in ay isaga barakacaan, kadib weerarada Al-shabaab oo joogta ka noqday.

Dagaal culus oo galinkii danbe ee maalintii shalay ka dhacay degmada ayeey u suurtagashay Al-shabaab in ay gudaha u gallaan qeybo ka mid ah degmada oo sida la sheegayay ku dileen dad rayid ah oo ay ka mid aheyd haweeney ganacsato aheyd oo degmada siweyn looga garanayay.

Gaar ahaa dadka rayidka ah degan xaafada dulleedka ka ah  degmada oo ay ku soo noq noqdeen dagaalada ayaa bilaabay in ay isaga baxaan guryihiin ay degenaayeen, iyaga oo cabsi ka qaba in mar kale  dhacaan dagaalo rogaal celis.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in meelaha qaar isku socodka degmada uu hakad ku jiro, waxaana soconaya baaritaano xoog leh oo ay wadaan ciidamada dowladda.

Qarax subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay goob ay fariisan jireen ciidamada gaar ahaan  xaafada Buulo Fooliyo ayaa waxaa ku dhintay ilaa 7 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsada miino dhulka lagu aasay sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha degmada Cabdinaasir Caalin Ibraahim.

Ugu danbeyntii, degmada Afgooye ayaa ah degmo muhiim ah oo caan ah ku ah wax soo saarka beeraha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]