Kulan wada jir ah oo maanta dhaxmaraya xildhibaannada golaha shacabka iyo aqalka sare

Talaado, Janaayo, 24, 2017 (HOL) - Kulan wada jir ah oo looga arinsanayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta ku yeeshaan magaalada Muqdisho markii ugu horeysay xildhibaannada golaha shacabka iyo aqalka sare ee Soomaaliya.

Xildhibaannada maanta kulanka yeellanaya ayaa waxaa kala hogaaminaya guddoomiyaha gollaha shacabka Prof Max’ed Cismaan Jawaari iyo guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

Prof Max’ed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka maanta uu yahay mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, madaama looga arinsanayo sida uu hadalka u dhigay doorashada madaxweynaha la filayo in uu dalka hogaamiyo afarta sano ee soo socta.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in kulanka maanta xildhibaannada labada aqal si wada jir ah u magacaabi doonaan gudiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha.

Guddoonka labada aqal ee Soomaaliya ayaa maalintii shalay kulan ay ku yeesheen magaaalada Muqdisho uga wada hadlay arinta ku saabsan doorashada madaxweynaha iyaga oo sheegay in maanta lagu dhawaaqayo gudiga qaban-qaabada doorashada oo laga soo dhax xuli doono xilldhibaannada labada aqal.

Wixii warar ah ee kulanka ka soo baxa waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]