Talaado, Janaayo, 24, 2017 (HOL) – Ciidamada Jubaland oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo ciidamo ka tirsan kuwa Mareeykanka ee ku sugan gobollada Jubooyinka ayaa saaka aroortii gacanta ku dhigay degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose, kadib weerar qorsheeysan oo ay degmadaasi ku qaadeen.
Ciidamada ayay u suurogashay in ay la wareegaan degmadaasi kadib iska horimaad kooban oo duleedka magaalada ku dhexmaray ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab.
Xasan Aadan Max'ed oo kamid ah saraakiisha ciidamada Jubaland ee deegaanada Jooraha ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadu ay saaka aroortii weerar qorsheeysan la beegsadeen degmada Badhaadhe, isagoo sheegay in ay si buuxda ula wareegeen degmadaasi.
"Ciidamada Jubaland kuwa AMISOM iyo ciidamo caalami ah ayaa saaka weerar ku qaaday degmada Badhaadhe, waxaana ku guuleysannay in aan degmadaasi ka nadiifinno kooxaha nabad diidka ah ee mudada dheeri go'doominayay," ayuu sarkaalkan hadalkiisii raaciyay.
Waxa uu xusay in Al-shabaab ay weerarkaasi uga dileen 7 askari, isagoo xusay in dhankooda uusan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray weerarkaasi.
Ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarka oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab, mana jiraan warar madax bannaan oo qeexaya qasaaraha kala gaaray labada dhinac.
Xoogagga Al-shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Badhaadhe bartamihii Bishii Janaayo ee sanadkii tagay ee 2016, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM iyo kuwa Jubaland.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Ciidamada Jubaland iyo kuwa AMISOM oo la wareegay degmada Badhaadhe
More News
- Al-shabaab oo dib ula wareegtay degmada Badhaadhe ee Gobolka J/hoose
- Qiimo dhac ku yimid lacagta Soomaaliland iyo xukuumada go'aan ka gaartay
- Guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha oo lagu dhawaaqay
- Barakac ka bilaawday qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose
- Shir ku saabsan istaraatiijiyada shaqo ee hayadaha samafalka ee maxaliga ah oo lagu qabtay Nairobi
- Madaxweynaha Cusub oo Gambia oo haweeney u magacaabay madaxweye ku-xigeen
- Kulanka golaha shacabka iyo aqalka sare oo qodobo laga soo saaray
- Ururka gobolleedka IGAD oo ka shiray abaarta Soomaaliya
- Kulan wada jir ah oo maanta dhaxmaraya xildhibaannada golaha shacabka iyo aqalka sare
- Qarax khasaare dhimasho geystay oo saakay ka dhacay degmada Afgooye
- Hub saarnaa markab ku soo xirtay dekeda Kismaayo oo la qabtay
- Mishaar la’aan soo food saartay ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya
- Wafdi ka socda midowga Yurub oo la kulmay madaxweynaha Soomaaliland
- Guddoomiyaha sarifleyda Hargeysa oo ka warbixiyay sababaha hoos u dhaca Shilinga Soomaaliland
- Wararkii ugu danbeeyay xaalada degmada Afgooye kadib dagaal culus oo shalay ka dhacay