Talaado, Janaayo, 24, 2017 (HOL) – Kadib fadhi wada jir ah
oo maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xildhibaannada gollaha shacabka iyo
aqalka sare ayaa ugu danbeyntii lagu
magacaabay gudi qabanqaabada doorashada madaxweynaha oo ka kooban 16 xubnood.
Gudiga ayaa waxaa laga soo dhax xulay xildhibaannada labada aqal, waxaana muuqata in lagu saleeyay qaabka 4.5ka oo gollaha shacabku dhisan yahay iyo xubnaha ka yimid aqalka sare oo u muuqda in lagu saleeyay maamul gobolleedyada ay kala matalaan.
Akhriso magacyada gudiga :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]