Subhan Allah: Qeyb-kamid ah Dayaxa oo caawa madoobaaday

 
Isniin, Augusto, 07, 2017 (HOL) – Inna lillahi wa inna ilayhi raji'un  إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعون , Caawa Bisha ayaa qeyb-kamid ah Madoobaatay, waxaana dadka ay u dareerayaan goobaha cibaadada si Alle loo weydiisto dambi dhaaf.

Masjidyada qaar ee ku yaalla magaalladda Muqdisho, ayaa waxaa laga tukanayaa salaado, dadka qaar waxay ku tukanayaan xaafadahooda, sidoo kale meelaha waxaa laga arkayaa dad isu soo baxayo sameynaya.

Dayax madoobaadkan ayaa salaadii cishaha ka dib si weyn loo dareemay.

Idaacadaha qaar, ayaa waxaa laga sii deynayaa Qar’aan. Inta badan dadka ayaa caawa wajiyadooda waxaa laga dareemayaa “Qushuuc”, waxaana “Alle”, la weydiisanayaa in bisha sideeda ay kusoo noqoto.

Dhinaca kale dadka qaar ayaa is-xusuusinaya in labo rakac oo "Suna" ah la tukado. 

2015-kii, Dayax-madoobaad dhammeystiran (Full Lunar Eclipse), ayaa subaxnimadii hore laga dareemay qaaradaha Afrika iyo Eeshiya, gaar ahaan bariga Qaaradda Afrika kaddib markii laga soo baxay salaaddii Subax, iyadoo la arkayey in dayuxu dhammaantii uu madoobaaday.

Dayaxu waxa uu ku wareegaa dhulka. Dhulkana waxaa ku wareegaa Qoraxda. Markii muda lajoogaba waxa dhacda in qoraxda oo sideedii caadada u ahayd ku jirta wareegeeda inuu soo dhexgalo dayax madoobaad, sida Saadaaliyayaasha khubarrada cilmi-falaga ama Cir bixiyayaasha ay sheegaan. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia