Xildhibaan Talyanle“Anniga ayaa ah guddoomiyaha rasmiga ah ee gobollaha wakiilada Soomaaliland

 

Isniin, August, 07,  2017 (HOL)- Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Talyanle oo shalay u tartamay gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland ayaa sheegay in wax is  daba-marin ka dhacday doorashadaasi, islamarkaana isaga loo doortay gudoomiyaha golahaasi sidaas darteed uu yahay gudoomiyaha rasmiga ah ee golaha wakiiladda Soomaaliland.

“Doorashaddii gudoomiyaha golaha Wakiiladda ee la galay ee saaxiibkey Baashe Maxamaed Faarax aan ugu hambalyeeyey xaqiiqdi ayaa soo baxday, laga bilaabo saacaddaan aan idinla hadlayo gudoomiyaha golaha wakiiladda waa aniga”ayuu yidhi xildhibaan Talyanle.

Waxaanu intaas ku daray “ xaqiiqadeediina waan hayaa, 39-ka xildhibaan ee codeeyey ciday u codeeyeen waa aniga, sidaas darteed afhayeenka golaha wakiiladda Somaliland waa aniga, waxaana u sheegayaa saaxiibkey Baashe Maxamed Faarax in arrintii is bedeshay uuna aqbalo natiijada noona hambalyeeyo.

Illaa hadda lama garaanayo waxa uu xildhibaanku dib usoo gocday iyo shakiga halka uu ka keenay, haseyeeshee xalay xili dambe ayuu muuqaalkan uu ku cadaynayo inuu yahay gudoomiyaha golaha Wakiilada yahay iska soo duubay oo warbaahinta loo kala diray.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.