Gabadhii ugu horeysay oo loo magacaabay agaasimaha waaxda amniga gobolka Banaadir

 

Isniin, Augusto, 07, 2017 (HOL) – Col Sakiya Xusseen ayaa loo magacaaba in ay agaasime ka noqoto waaxda amniga iyo derisenynta gobolka Banaadir, iyadoo noqoneysa gabadhii ugu horeysay ee xilka qabata.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa Sakiya u magacaabay xilka Agaasimaha Waaxda Amniga iyo Deriseynta Gobolka Banaadir.

Wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa xilka Agaasimaha mniga iyo deriseynta loogu magacaabay Col. Sakiya Xuseen oo ka tirsaneyd Booliska Soomaaliyeed.

Col. Sakiya oo reer UK ah ayaa saddex sano ka hor ku biirtay ciidamada booliska Soomaaliyeed, iyadoo ka tirsaneyd qeybta dambi baarista ee CID, waxaana ay horay uga soo shaqeysay Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage.

 

Waa haweeneydii ugu horeysay ee maamusha waaxda amniga gobolka Banaadir waxaana xilkan laga qaaday Mahad Xusseen Maxamed oo horay u hayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]