
Isniin, Augusto, 07, 2017 (HOL) – Maamulka Khaatumo ayaa yeeshay labo madaxweyne kaddib markii uu baarlamaanka maamulkaasi uu kala jabay labo garab oo qeyb ka mid ah xilka madaxweynaha maamulka u dhaariyeen Cabdalla Maxamed Cali Heybe [ Cagalule] oo horay madaxweyne ku-xigeen u ahaa.
Sidoo kale waxaa jira Prof Cali Khaliif Galeyr oo isna madaxweyne ka ah maamulka Khaatumo, waayadii ugu danbeeyayna wada hadalo kula jiray maamulka Soomaaliland oo ku saabsan sidii labada dhinac leysugu soo dhaweyn lahaa.
Xildhibaan Cabdikariin Askar Jaamac ayaa HOL u sheegay isagoo jooga duleedka magaalada Laascaanood in labada dhinacba aanay haysan xildhibaano ku filan oo ay cid xil kaga qaadi karaan.
Madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa la sheegay in uu safar uga anbabaxay degmada Buuhoodle, isaga oo warar soo baxaya sheegayaa in uu u dhaqaaqay dhinaca deegaanka Oog oo ka tirsan degmada Laascaabood.
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool