Dibadbaxayaal qabsaday mid ka mid ah gadiidka AMISOM magaalada Muqdisho

 

Isniin, Augusto, 07, 2017 (HOL) – Mid ka mid ah gadiidka ciidamada AMISOM ayaa u gacan gallay duhurnimadii maanta dibadbaxayaal carreysan oo u badnaa darawallada gadiidka Mooto Bajaajka Isgooyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Kolanyo ay la socdeen ciidamada AMISOM oo isku dayay in ay xoog ku jiiraan dadka dibadbaxa dhigayay ayaa mid ka mid ah gadiidkooda waxaa uu gacanta u gallay dhalnyaro ka tirsanaa dibadbaxayaasha, taasoo keentay in gadiidkii kale ee ciidamada AMISOM ridaan rasaas xoog leh si ay u soo badbaadiyaan Gaariga laga qabsaday.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkayeen gaariga oo lagala degayo agab kala duwan oo u rarnaa ciidamada sidoo kalana sawiro la soo qaaday ayaa muujinaya dhalinyaro dusha sare ka saran Gaariga.

 

Maamulka gobolka Banaadir ayaa wada dadaalo uu ku doonayo in lagu qaboojiyo xiisada ka dhalatay carada ay soo bandhigeen wadayaasha iyo milkiilayaasha Mooto Bajaajta.

Dibadbaxa maanta oo rasbashado watay ayaa hakad ku keenay isku socodkii dadka iyo gadiidka, waxaana inta la ogyahay ku dhintay hal ruux oo rayid ah subaxnimadii hore ee saakay.