Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Gole wasiirro oo u badan xukuumad-dii kalsoonida lagala laabtay


Isniin, Augusto, 07, 2017 (HOL)-Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo saaray liiska golaha wasiirada cusub ee Puntland ,kuwaasi oo isugu jiray wasiiro iyo ku xigoonadoodi , isla markaana tiro ahaan gaarayay 53 xubnood.

Golaha cusub ayaa intooda badan laga soo qaatay xukuumad-dii kalsoonida lagala laabtay ,iyadoo ay jiraan xubno ku cusub liiska , balse horey xilal kala duwan uga soo qabtay maamuladii soo maray gobolka.

Xubnaha booskooda waayay waxaa kamid ah wasiir Aniso Xaaji Muumin oo ahayd wasiirkii Haweenka Puntland ,iyadoo Axmed Cilmi Karaash oo horey u ahaa wasiirka arimaha gudaha loo badalay wasaarad-da duulista hawada iyo Garoomada.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland C/laahi Quraan Jecel oo la hadlay warbaahinta ayaa akhriyay liiskan oo maalmihi la soo dhaafay si weyn loo hadal hayay.

1. Saalax Xabiib Jaamac: Wasiirka Cadaaladda, iyo Arimaha Diinta
2. Cabdulaahi Cali Xirsi : Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose
3. Axmed Cabdulaahi yusuf Dowlad : Wasiirka Amniga iyo DDR
4. Cabdulaahi Siciid Carshe : Wasiirka Maaliyada
5. Shire Xaaji Faarax : Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriir Caalamiga ah
6. Cabdiftaax Siciid Caynab : Wasiirka Dastuurka Iyo Arimaha Fedraalka
7. Abshir Ow Yusuf Ciise : Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta
8. Dr. Cabdinaasir Cismaan Cowke : Wasiirka Caafimadka
9. C/rixmaan Barkhad Warsame : Wasiirka Howlaha Guud, Gadiidka iyo guryenta
10. Siciid Maxamed Raage : Wasiirka Dekedaha iyo Amniga Badaha Puntland
11. Axmed Cilmi Cismaan Karaash : Wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada
12. Maryan Axmed Cali : Wasiirka Hormarinta Haweenka
13. Cabdi Xirsi Cali Qarjab :  Wasiirka Warfaafinta iyo Boostada
14. Cabdiwali Xirsi Cabdule Indha guran : Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
15. Cabdulaahi Sh. Axmed : Wasiirka Xanaanada Xoolaha
16. Cabdinuur Cilmi maxamud Bindhe : Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
17 .Dr. Cali Cabdulaahi Warsame : Wasiirka Deegaanka
18. Cabdirshiid Maxamed Xirsi :Wasiirka Kaluumeysiga iyo kheyradka Badda
19. Cabdi khadar Faarax Shaaciye : Wasiirka Dib U dhiska iyo Maalgashiga
20. Cabdiraxman Sh. Axmed:  Wasiirka Shaqada Shaqalaha iyo Ciyaaraha.

Faysal M. Hassan
[email protected]