Isku socodka waddada KM4 oo xiran iyo dibadbax wali ka socda

 

Isniin, Augusto, 07, 2017 (HOL) – Waxaa xiran dhaqdhaqaaqa gadiidkii isaga kala gudbi jiray isgoyska KM4, iyadoo wali ay socdaan dibadbaxyada ay dhigayaan wadayaasha gadiidka Mooto Bajaajka.

Dhalinyaro u badan darwalada Mooto Bajaajta ayaa u diidaya gadiidka dadweynaha ee BL-ka iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay adeegsadaan waddada dheer ee Maka Al-Mukarama, waxaana meela qaar lagu arkayaa Mooto Bajaajka garabo siman loo dhigay si aysan gadiidka u soo marin waddada.

Subaxnimadii hore ayaa dibadbax ballaaran oo ay dhigeen wadayaasha gadiidka waxaa uu ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon iyaga oo ka cabanaya cadaadis isticmaalka jidadka muhiimka ah ee Muqdisho oo la saaray.

Dhinaca kale rasaas ay fureen ciidamada dowladda ayaa Isgooyska KM4 lagu dilay qof rayid ah halka saddex ruux kalana ay ku dhaawacmeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]