Banaanbax lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo oo lagu qabtay Magaladda Muqdishu



Sabti, Feberaayo, 11, 2017 (HOL) – Banaanbax ay soo qaban-qaabiyeen Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa manta waxaa lagu qabtay taalladda Daljirka Daahsoon ee Magalladda Muqdishu.

Dibad-baxa ayaa waxaa kasoo qeyb-galay shacab ubadnaa Dumar iyo Carruur, kuwaasoo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wariyaal iyo sawir-qaadayaal ka tirsan Hiiraan Online, oo tagay halka bananbaxa uu ka socday, ayaa soo wariyay in dadka bananbaxa dhigayay ay ku-qeylinayeen ereyo lagu taageerayo Madaxweynaha iyo hadalo bogaadin ah.

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa  Magaalladda Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo ku sugnaa halka banaanbaxa lagu dhigayay, ayaa sheegay in shacanka ay garab taaganyihiin madaxweynaha cusub isagana looga fadhiyo in uu muujiyo dadaal.

Qaar ka mid ah dadkii kasoo qeyb-galay banaanbaxa, oo la hadlay Hiiraan Online, ayaa sheegay in ay u riyaaqsanyihiin Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana ay Alle uga baryeen in waajibaadkiisa uu la garab-galo, sida ay hadalka u-dhigeen.

Maalmihii lasoo dhaafay, ayaa waxaa Magaaladda Muqdishu lagu dhigayay-banaanbaxyo lagu soo dhaweeynayay Madaxweynaha.

Hassan Istilla