
Sabti, Febraayo 11, 2017 [HOL]-Dawlada Kenya ayaa loogu baaqay inay wax ka qabato dhibaatada qaxootiga Soomaalida.
Ururada samofalka iyo kuwa udooda xaquuqul insaanka ayaa soo dhaweeyay hase ahaatee xukun ay ridday maxkamada sare ee Kenya asbuucii aanu soo dhaafnay kaaso is hor taagaya go'aan dawlada Kenya ay ku damacsan tahay inay sanadkaan ku xirto xeryaha Dhadhaab.
Si kastaba ha ahaatee, waxay hayadahaasi ugu baaqeen dawlada Kenya iyo beesha caalamka inay xal kale u raadiyaan qaxootiga xeryahaa daggan.
8dii bishaan Febraayo ayay ahayd markii maxkamadu xukunkaa ridday kadib markii labo urur oo u dooda xaquuqul insaanku ay ka hor yimaadeen dacwadna ka geeyeen go'aanka dawlada Kenya ay ku damacsan tahay inay ku xirto xeryaha Dhadhaab.
Xeryahaa ayaa waxaa ku nool ilaa 260 kun oo qaxooti ah oo u badan Soomaali.
Dawlada Kenya ayaa xirtay laanteedii qaabilsanayd qaxootiga sidoo kale taasoo loo soo gaabiyo DRA.
Dawlada Kenya ayaa sheegtay inay xiri doonto xeryaha Dhadhaab dhammaadka bisha Maajo ee sanadkaan 2017.
Si kastaba ha ahaatee ururada xaquuqul insaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in qaxootiga xeryahaa kunool loo helo xal waara.
Waxay sheegeen in loo baahan yahay in la ogaado masiirka iyo halka xaalada qaxootigaa ay ku dambeyn doonto.
Waxay masuuliyiinta heyadahaasi sheegeen in loo baahan yahay in laisla eego si wada jir ah dhammaan masuuliyiinta ay khuseyso tillaabada xigta ayadoo ujeedku yahay in xal waara loo helo dadka masaakiinta ah ee xeryahaa kunoolaa mudada dheer.
Tjossem waa agaasimaha IRC ee gobolka Bariga Afrika. Tjossem wuxuu sheegay in dawlada Uganda ay qorshe fiican u dejisay qaxootiga dalkeeda ku dhaqan.
Tjossem wuxuu sheegay in dawlada Uganda uu nidaamkeedaasi u saamaxo qaxootiga in ay nafafyaalkooda caawiyaan ayna isticmaalaan adeegyada maxaliga ah ee caafimaatka iyo waxbarashada.
Wuxuu sheegay in nidaamkaa la qaadan karo mandaqada Bariga Afrika oo dhan iyo meelo ka baxsan intaba.
Muthoni Wanyeki waa madaxa hayada Amnesty International ee mandaqada Bariga Afrika, Geeska Afrika iyo gobolka Harooyinka Waaweyn.
'Joojinta xiritaanka xeryaha Dhadhaab waa tillaabada ugu horeysa ee muhiimka ah ee lagu qaddarinaayo laguna badbaadinaayo xaquuqda qaxootiga kunool Kenya'. Sidaa ayay tiri Muthoni.
'Hada dawlada Kenya iyo beesha caalamku waa inay ka wada shaqeeyaan sidii xal waarada oo kaa baddala loogu heli lahaa qaxootiga sida in xulashooyin loogu dhafaayo dadka wadanka loo helo'. Intaana way raacisay.
Si kastaba ha ahaatee, dawlada Kenya ayaa sheegtay in ay racfaan ka qaadan doonto xukunka maxkamada ayadoo sheegtay in ammaanka dartii iyo sidii loo horumarin lahaa ay u xireyso xeryaha Dhadhaab kuna andacootay in xarakada al-Shabaab xubno ka tirsan ay ku dhex dhuumaaleystaan xeryahaa.
Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]