
Sabti, Febraayo 11, 2017 [HOL]-Cudurka shuban biyoodka ayaa dhowr iyo toban qof ku dilay deegaanka Buurdhuxunlee ee gobolka Bakool.
Tirada ayaa la sheegay in ay sare u dhaaftay 15 qof, waa tirada dhimashada ayadoo tobanaan qof oo kalena ay cudurkaa iminka la jiifaan ama la il daran yihiin. Dadka dhintay ayaa isugu jiray carruur iyo waayeel.
Deegaanka Buurdhuxunle ayaa ilaa 30km u jira magaalada Waajid balse malahan wax isbitaal ah.
Deegaankaa ayaa ammaanka dartii aysan joogin hayado caafimaadka ka shaqeeya.
Si kastaba ha ahaatee, maamulka gobolka Bakool ayaa sheegay iminka inuu wado dadaal uu doonayo inuu dawooyin ku gaarsiiyo bukaanada la il daran shuban biyoodka ee ku sugan deegaanka Buurdhuxunle.
Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]