Sabti, Feberaayo, 11, 2017 (HOL) – Jibriil Ibraahim Cabdulle oo kamid ahaa musharixiintii u taagnayd xilka madaxtinimo ee dalka, islamarkaana matalayay dhaq-dhaaaqa Hal-Qaran ayaa sheegay in Madaxweeynaha la doortay ee Soomaaliya uu yahay Mudawaadin jecel dalkiisa, waxbadanna qaban kara hadii ay shacabku la shaqeeyaan.
Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa yiri, “Waxa aan u hambalyeynayaa madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Waa Mudaawin horey loo tijaabiyay oo dalkaan samata bixi kara. Waxa uu aaminsanyahay Mabaadi’dii Hal Qaran. Waxa uu gaarsiin karaa dalka meeshii aan rabnay ee aheyd in laga boxo kala qoqobka iyo kooxeysiga, waan taageersanahay, waana la shaqeynayaa.”
Jibriil ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay ilaashadaan fursadda dahabka ah ee maanta soo martay, islarmakaana ay dhinacooda ka qabtaan dowladnimada ka hirgashay dalka.
"Waxaan raadineeynay wuxuu ahaa isbadal dhaxal gal ah, waana la gaaray, yuusan naga beel-daroobin, cid kasta oo Soomaali ah gudaha iyo dibadda hala adkeeyo guusha curdanka ah," ayuu hadalkiisii raaciyay.
Sidoo kale waxa uu ammaan u jeediyay mudanayaasha labada aqal ee dalka oo uu sheegay in ay yihiin wadaniyiin daacad ah oo si dhab ah uga turjumay guuxii shacabka.
Mudanayaasha labada aqal ee dalka ayaa 8-dii bisha Febraayo magaalada Muqdisho madaxweeynaha dalka ugu dorotay Mudane Max'ed C/laahi Farmaajo, ayadoo doorashada ka dib Soomaalida ku nool gudaha dalka iyo daafaha caalamka ay dhigeen dibadbaxyo waaweyn oo ay ku taageerayaan madaxweeynaha cusub ee dalka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa yiri, “Waxa aan u hambalyeynayaa madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Waa Mudaawin horey loo tijaabiyay oo dalkaan samata bixi kara. Waxa uu aaminsanyahay Mabaadi’dii Hal Qaran. Waxa uu gaarsiin karaa dalka meeshii aan rabnay ee aheyd in laga boxo kala qoqobka iyo kooxeysiga, waan taageersanahay, waana la shaqeynayaa.”