Madaxweye Farmaajo oo Madaxtooyadda Soomaaliya kula-kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh.



Sabti, Feberaayo, 11, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cadullahi Farmaajo, ayaa manta waxaa uu kormeer ku tagay Madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo saraakiisha ku sugan Madaxtooyadda Villa Somalia.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa waxaa ay yeesheen kulan albaabada uu u xirnaa, waxaana uu kulanka ka dib kormeeray qeybaha kala duwan ee ay ka koobantahay Madaxtooyada.

Ciidamada Alpha Group, ayaa madaxweynaha la socday kuwaas oo sugayay ammaanka madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa kasoo baxay Hotel-ka Jazeera ee ku dhow garoonka Diyaaradaha, ilaa uu ka yimaado madaxtooyadana ma jirin wadooyin loo xiray.

Qaar ka mid ah shacabka reer muqdishu oo Hiiraan Online, ay weydiisay, xirnaasha la’aanta wadooyinka iyo socodka madaxweynaha, ayaa sheegay in ay aad ugu riyaaqsanyihiin ififaaladda uu muujinayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Hassan Istilla