Sabti, Feberaayo, 11,
2017 (HOL) – Suuqa lagu kala sarifto lacagta ee magaalada Beledweyne ayaa saacadihii hore ee maanta mar kaliya laga
dareemay hoos u dhac ku yimid sarifka lacagta doollarka, kadib markii inta
badan magaalooyinka dalka is badal weyn uu ku yimid qiimaha markii hore
lagu kala sarifan jiray doollarka.
$ 1 doollar ayaa magaalada Beledweyne xiligan lagu kala sarifanayaa 23,000 oo Sh Soomaali ah, halka maalintii shalay $ 1 doollar lagu kala sarifanayay lacag dhan 27,000 Sh Soomaali ah waxaana qaar ka mid ah ganacsatada oo aan la sheekeystay ii sheegeen in arintan ay sabab u tahay is badalka uu doollarka ka sameeyay meelo ka mid ah dalka sida magaalada Muqdisho.
Inkastoo marka la eego farqi aan badneyn uu u dhaxeeyo sarifka maalintii shalay iyo kan maanta, haddana ganacsatada waxaa ay ii sheegeen in laga yaabo saacadaha soo socda in uu gaaro $1 doollar wax ka yar 20,000 kun oo Sh Soomaali ah.
Arintan ayaa waxaa siweyn u soo dhaweynaya dadka dan yarta ah ee xooggooda ku shaqeysta, kuwaa oo rajo badan ka qaba in qiimaha la kala siisto maciishada sidoo kale uu hoos u dhac weyn ku yimaado.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]