
Cumar Jamaal, madaxa ururka jaaliyada Soomaalida ee Minnesota
Sabti, Febraayo 2017 [HOL]-Soomaali badan oo kunool Minnesota oo sharciyo ay ku joogaan Mareykanka aan heysan kana baqanaya dawlada Donald Trump inay masaafuriso ayaa iminka damacsan inay Canada dhuumasho ku galaan.
In dhawaale qaar ayaaba durbo galay Canada walow intooda badan kuwaa ay ahaayeen kuwo dhawaan tahriib ku galay Mareykanka ayagoo sii maray Koofurta Ameerika.
Cumar Jamaal waa madaxa ururka jaaliyada Soomaalida ee Minnesota. Muddo bilo ah ayaa uu marag u ahaa muhaajiriin badan oo Soomaali ah oo codsiyadoodii sharciga Mareyknaka la diiday.
Wuxuu kaloo ogaaday in in badan oo dadkaa ah ay iminka bilaabeen inay u xirxirtaan safar Canada ah si halkaa ay sharciyo ay kujoogaan uga helaan.
Wuxuu in badan wacaa ugana digaa khatarta arinkaa Soomaalida doonaya inay Canada dhuumasho ku galaan maadaama safar khatar badan uu yahay oo baraf iyo webiyaal laga gudbo.
Dadka Canadian-ka ah ayaa soo dhaweeya qaxootiga ayadoo iminka dawlada Trump ay beegsanayso soo galootiga gaar ahaan Muslimiinta.
Dhawaan waxaa dalka Mareykanka laga soo masaafuriyay lagana dajiyay Muqdisho Soomaali tiradoodu gaareyso 90 qof.
Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]