Wafdi uu Horkacayo RW ku Xigeenka Somalia oo Maanta Gaaray Degmada Cadaado (SAWIRRO)
Axad, May 15, 2016 (HOL) — Wafdi uu Hoggaaminayo Ra'iisul Wasaare ku Xigeenka XF Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte - ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud oo haatan ah xarunta KMG ah ee Maammulka Galmudug.
Xubnaha Wafdiga RW ku xigeenka, ayaa waxaa ka mid ahaa; Wasiir ku-xigeenka Amniga, Taliye ku-xigeenka Booliiska iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga, iyadoo Wafdigan ay si weyn ugu soo Dhaweeyeen Garoonka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir, Wasiirada Galmudug, Xildhibaano ka tarsan Galmudug iyo qaybaha bulshada.
Sidoo kale, Safarka Wafdigaan ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Wuxuu la xiriiray qorshe la doonayo in maamul-goboleedyada dalka ka jira uga qaabqadan lahaayeen Meel-marinta Arrimaha Siyaasada Amniga Qaran.
Ugu dambeyn, Wafdiga ayaa kulamo la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Wasiirro ka tirsan Maamulka Galmudug, iyagoo kawada hadlay arrimaha amniga Qaranka.
Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya