Tartanka Baskiilada oo loo qabtay Ciyaartooy u tartameeysay xaafadaha Kismaayo [Sawirro]

Axad, May 15, 2016 (HOL) —


Axad, May 15, 2016 (HOL) —Tartan oo ay ku loolamayeen ciyaartooy mataleeysay shanta xaafadood ee ay ka koobantahay magaalada Kismaayo ayaa maanta la qabtay, ayadoo tartanka uu soo agaasimaya maamulka degmada Kismaayo iyo wasaaradda arimaha bulshada oo iskaashanaya.

Tartanka ayaa waxaa ku loolamayay shan ciyaartooy kuwaa oo ku ordayay wado dhererkeeda lagu qiyaasay 1.5 KM oo ka bilaabaneeysa isgoyska aargada, kuna eg koontoroolka laga galo dekedda ee magaalada Kismaayo.

Tartanka intii uu socday ayaa waxaa hakad la geliyay dhaqdhaqaaqii gaadiidka, waxaana kaaliinta 1-aad ka galay tartanka Idiris Cali Max'ed oo ka socday xaafadda Guulwade, kaalinta labaadna waxaa galay C/weli Diiriye Salaad oo u tartamayay xaafadda Calanleey, halka kaalinta sedexaad uu galay C/salaan Cabaas Oday, oo ka socday xaafadda Farjanno.

Tartanka ayaa waxaa maalgeiyay Tv-ga Jubaland, waxaana dhalintii kaalimaha hore gashay la siiyay abaalmarinno lacageed.

Dadweeyne ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa si diiran usoo dhaweeyay tartamada noocan oo kale ah ee lagu dhiirigelinayo dhalinyarada.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.