
Axad, May 15, 2016 (HOL) — Guddiga Turxaan-bixinta ee loo Xir-saaray ka Shaqeynta Natiijaddii kasoo baxday madasha wadatashiga ee la horgeeyay Baarlamaanka FS, gudigan oo laga dhex sameeyay baarlamaanka soomaaliya ayaa muddo waxa uu ku howlanaa ka shaqeynta ,dib u eegista ,iyo aragti ku biirinta waxyaabihii laga soo saaray madasha qaranka ee lagu qabtay magaaladda muqdisho bishii aynu ka soo gudubnay ee sanadkan.
Sababta ay madaxweynaha ula kulmeen ayaa ah in ay xog ka siiyaan halka ay howsha marinayaan ,ka dib dhageysiga xogta waxa ay madaxweyanah u sheegeen in uu jiro qaladaad ku jiro hishiiskii madasha- wadatashiga ,tusaale habka dhismaha Aqalka sare oo hore loo laalay markii la soo dhisayay baarlamaanka hadda shaqeeya.
Waxyaabaha ay gudigan Turxaan bixinta sida gaarka uga hadleen ayaa ah ,waxa laga sameynayo dadka ku nool gobobka Banaadir oo aanan doorkooda ku muuqan saamiga ay ku leeyihiin dhismaha baarlamaanka Aqalka sare ee la unki doono sida uu qorshuhu yahay.
Xildhibaan Cabdullaahi Xaaji ayaa sheegay in howsha ay meel wanaagsan marinayaan maalmaha soo socdana ay idleyndoonaa ,waxa uu yiri “waxa aan tusnay madaxweynaha halka ay wax ka qaldan yihiin balse rajo weyn ayaan ka qabnaa in ay maslaxo ka dhalato taasi oo wax weyn u tari doonto qaranka.
Ugu danbeyntii , Waa mid la wada sugayo sida sharci looga dhigo hishiiskii madasha wada tashiga qaranka ka soo baxay kaasi wali aanan dhana u dheelin baarlamaanka Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya