15-ka May maainta dhalinyarada oo laga xusay magaalada Kismaayo [Sawirro]
Axad, May 15, 2016 (HOL) — Ayadoo maanta ay ku beegantahay maalinta dhalinyarada islamarkaana ku asteeysan maalintii la aasaasay ururkii gobonima doonka dhalinta Soomaaliya ee usoo halgamay xoriyadda dalka ayaa waxaa maanta munaasibad lagu xusayo lagu qabtay magaalada Kismaayo.
Munaasibaddan oo uu soo qabanqaabiyay ururka dhalinyarada Jubaland ayaa ahayd mid aad u ballaaran, ayadoo boqollaal dhalinyaro ah oo ku labisnaa fanaanado cadcad oo ay ku xardhanaayeen hal-kudhigyo ay ku weeyneeynayaan 15-ka May ayaa socod dheer kusoo maray wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo.
Dhalinyarta ayaa ugu danbeyn isugu tagay hoolka shirarka Daawad, halkaa oo ay kusugnaayeen madax ka tirsan Jubaland oo uu kamid ahaa gudoomiyaha baarlamanka Mudane Cabdi Max'ed C/raxmaan, madaxweeyne kuxigeenka 2-aad Mudane C/qaadir Xaaji Max'uud (Lugadheere) iyo xubno ka tirsan labada gole ee Jubaland.
Gudoomiyaha ururka haweenka gobolka J/hoose Axmed Faarax Taqal oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa hambalyo ku aadan maalintan u diray dhalinta Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dhalinyaradu hadii ay isku duubanyihiin ay isbadal dhab ah sameyn karaan.
Wasiirka arimaah bulshada Jubaland Max'ed Ibraahim Max'uud oo kamid ahaa masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa dhalinyarada ugu hambalyeeyay munaasibadda maalintan 15-ka May, isagoo sheegay in loo baahanyahay in dhalinyaradu u istaagto sidii loo samatabixin lahaa dalka islamarkaana looga shaqeyn lahaa nabadda.
Madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubaland C/qaadir Xaaji Max'uud Lugadheere oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin xusuus mudan isagoo sheegay in dhalinyaradu ay yihiin lafdhabarta Bulshada, wuxuuna ku baaqay in dhalinti ka shaqeeyso sidii looga shaqeyn lahaa horumarka dalka islamarkaana loo wacyigelin lahaa dhalinyaro uu sheegay in fikirro qaldan laga dhaadhiciyay.
Gudoonka baarlamanka Jubaland Cabdi Max'ed C/raxmaan oo gabagabadii goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu hambalyo u dirayo guud ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah ugu hambalyeeyay ururka dhalinyarada Jubaland, wuxuuna xusay in Jubaland ay marwalba qirsantahay in dhalinyaradu muhiimad gaar ah u leeyihiin bulshada.
15-ka May ayaa ah maalin ku weyn umadda Soomaaliyeed, waana maalintii la aasaasay ururkii bulshada u horseeday nabadda iyo baraaha ee SYL.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- SAWIRRO: Xisbi Siyaasadeed ku soo Bandhigay Minnesota Musharraxooda Doorashada Somalia
- Wafdi uu Horkacayo RW ku Xigeenka Somalia oo Maanta Gaaray Degmada Cadaado (SAWIRRO)
- Diyaarada Turkish Airlines oo Maanta Billowday Duullimaadyadii ay ku imaan jirtay MUQDISHO
- Tartanka Baskiilada oo loo qabtay Ciyaartooy u tartameeysay xaafadaha Kismaayo [Sawirro]
- XIL DUCAALE: Dowladda Soomaaliya waa inay u Gurmato Dadka ku Dhibaateysan Aadan Yabaal
- Madaxweynaha Jubaland oo Maanta Magacaabay Labadiisa Madaxweyne ku Xigeen [Daawo Video]
- DAAWO: Warbixin Dhul-gariirkii 2011 ka dhacay Christchurch, New Zealand: BAAFO & HARERI
- MAALINTA Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May oo si weyn looga xusay Baladweyne (Sawiro)
- SAWIRO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhigay Taalada SYL Ubax 15-ka May lagu Maamuusayo
- Kooxda Barcelona ee Waddanka Spain oo ku Guuleysatay Koobka Horyaalka Kooxaha Spain
- Guddiga Turxaan-bixinta Masiirka Qaranka oo kulan la qaatay Madaxweynaha DF Soomaaaliya
- Hawlgalka AMISOM oo Waqtigiisa la Kordhiyay
- Naadiga NAKADSA oo Muqdisho ku Qabtay Xuska Maalinta Dhalinyarada ee 15 May (SAWIRRO)
- Baarlamaanka Soomaaliya oo loogu baaqay inuu Meel-mariyo Hannaanka Doorasho ee 2016-ka
- Laamaha Ammaanka oo Muqdisho kusoo Bandhigay Labtop-yo lagu Diyaariyay Qaraxyo