XIL DUCAALE: Dowladda Soomaaliya waa inay u Gurmato Dadka ku Dhibaateysan Aadan Yabaal


Axad, May 15, 2016 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay xaalado adag ka jiraan degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe.

Degmada Aadan Yabaal ayaa Toddobaadyadii u dambeeyay wehel u noqotay nolol-xumo dhinac walba leh oo saameysay shacabka dan-yarta ah ee ku nool, iyadoo ay qaybo ka mid ah dhismayaashii degmadaas ka muuqdaan muuqaallo laga naxo.

“Runtii dhibaatada ka taagan degmada Aadan Yabaal, waxaa sabab u ah Dagaallo Gudaha Degmadaas ku dhex-maray Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo dhan ah iyo Al-shabaab, iyadoo si wanaagsan aan looga fikir waxa ka imaan kara haddii Ciidamada is-bahaysanaya ay adkeyn waayaan gacan ku haynta Degmadaas,” ayuu yiri Xlidhibaanka.

Sidoo kale, Xildhibaan Ducaale ayaa ku eedeeyay Kooxda Al-shabaab in markii ay dib ugu soo laabteen degmadaas ay si Naxariis-darro ah ula dhaqmeen shacabka degmadaas, isagoo yiri. “Al-shabaab, waxay agab-yadii nolosha bulshada Muhiimka u ahaa ka dhigeen wax ay horey u sii qaataan iyo waxay gubaan; sida inay bamkii kala baxeen ceelkii dadka degmadu ay biyaha ka cabi jireen iyo inay baabi’iyeen ama dab-qabadsiiyeen martooradii dabka laga dhalin jiray,” ayuu hadalkiisa ku daray Xildhibaan Ducaale.

Shacabkii Degmada Aadan Yabaal ku noolaa ayaa hadda nolol-xumi ay ku haysataa dhulka miyiga ah ee ku hareereysan degmada, iyagoo aan heysan cuno, biyo, hooy, dhar iyo dawo, mana jiro qof awoodi kara inuu Gurigiisa kusoo laabto, isagoo Cabsi ka qaba buu yiri, inay dhibaato kala Kulmaan Al-shabaab oo shacabka uga digtay inay magaalada kusoo laabtaan, ciddii kusoo laabatana ay ciqaabayaan, waayo Alle ayaa horay noogu sheegay in wax kasta ee nool inuu biyo ka abuuray, biyhuna ay yihiin waxa ugu muhiimsan ee ay maanta Dadka Aadan-yabaal ku nool ay u dhimanayaan.

“Anigoo Gudanaya Waajibaadka Dastuuriga ah ee iga saaran Shacabka iyo Deegaanka aan Metelo; Waxaana Dowladda Somalia oo Mas’uuliyadda Dadka iyo Deegaankaasba qaaday ka codsanayaa in Degmada Aadan-yabaal iyo Shacabkeeda ay Dhibaatada haysata si Deg-deg ah ugu Gurmato, Gaar ahaan dhinacyada Ammaanka, Gargaarka Bani’aadamnimo iyo dib u dejin, oo aysan ku mashquulin Siyaasadda, sida doorashooyinka dalka iyo is-bedelka la filayo maadaama dowladnimada ay sal u yihiin in dadka iyo deegaannada loo gurmado.”

Dhanka kale, Hay’adaha Samafalka ayuu ugu baaqay in ay Shacabkaas la gaaraan Gurmad deg-deg ah, iyagoo kaashanaya Maamulka gobolka, kan degmada iyo cuqaasha deegaanka, maadaama ay maalmo uun ka harsan tahay bisha Ramadaan, isla markaan qofka muslimka ah uusan waajibka gudan karin isgaoo gaajeysan.

Ugu dambeyntii, Xildhibaan Ducaale ayaa Ciidamada AMISOM ka dalbaday inay iyagana kaalinta uga aadan ka qaataan taageerada bani’aadamnimo iyo mida dib u dajinta shacabka degmada Aadan Yabaal ee aan waxba galabsan.

Si kasta ha ahaatee, Hadalka Xildhibaankaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay shalay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo is-kaashanaya ay Dib ula Wareegeen Degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe, balse ay isla shalay ka mar kale ka baxeen baxeen.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya