
Axad, May 15, 2016 (HOL) — Diyaaradda Turkish Airlines ayaa maanta oo Axad ah dib u billowday duullimadyadii ay ku imaan jirtay Magaalada Muqdisho, kaddib markii ay hakad galeen horraantii bishii Feberaayo ee Sannadkan.
Maanta ayay diyaarada Turkish Airlines kasoo dajisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho Rakaabkii u Horreeyay tan iyo markii ay duulimaadyada joojisay, iyadoo tani ay fursad u tahay diyaaradda iyo rakaabkii ku xirnaa.
Sidoo kale, Duullimaadka diyaaradda Turkish Airlines ayaa ahaa Istabul-Muqdisho, iyadoo sidoo kale Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka qaaday rakaab kale oo Calaamka daafihiisa u u kala socday.
Agaasimaha Duulista Hawada Somalia C/waaxid Sheekh Cumar, ayaa 28-kii bishii hore ee Abriil u Xaqiijiyay HOL in Diyaaradda Turkish Airlines ay billaabayso duulimaadyadeedii tooska ahaa ee ay ku imaan jirtay Muqdisho.
Dhanka kale, agaasimaha ayaa horay HOL ugu sheegay in diyaaraddu ay wadato ciidammo gaar ah oo suga ammaankeeda, si looga gaashaanto in waxyeellooyin loo geysto, waxaana maanta si aad ah loo adkeeyay amniga guud ee Garoonka Aadan Cadde.
Waxaa xusid mudan in diyaarada Turkish Airlines ay tahay diyaarada keliya ee duullimaad Caalami ah ku timaadda Muqdisho, iyadoo Duullimaadyadeeda billowday Sannadkii 2012-kii, markaasoo xiriirka Turkiga iyo Somalia uu dib u soo noqday.
Ugu dambeyn, Weerarkii bishii Febraayo ee 2016 lala eegtay diyaarad ay lahayd Shirkadda Daallo Airlines lala Beegsaday Qarax, iyadoo Mas’uuliyadiisa ay Sheegatay Al-shabaab oo sheegtay inay beegsanaysay xubno la shaqeeya sirdoonka reer Galbeedka.
Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya