Marxuum Ilka-Case oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, November 23, 2014 (HOL) — Marxuum Cabdi Max'uud Ilka-Case oo ka mid ahaa majaajiliistayaasha Soomaaliyeed oo si lama filaan ah ugu geeriyooday Muqdisho maalin ka hor ayaa maanta la aasay, iyadoo aaskiisa ay ka qaybgaleen xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda.

Allaha u raxmadee aaska marxuum ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, fannaaniin, abwaanno, qaar ka mid ahaa asxaabtiisa, ehelladiisa iyo iyo dadweyne kale.

Fanaaniinta iyo Abwaanno ka hadlay goobta aasku ayaa ka sheekeeyay taariikhdii uu lahaa marxuum Ilka-case, iyagoo ku tilmaamay shaqsi si wanaagsan bulshada ugu xiranaa, isla markaana dabeecad wanaagsan.

“Waxaan codsaneynaa in il-gaar ah lagu hayo agoonta uu ka tagay marxuum Ilka-Case oo ah laba wiil iyo gabar,” ayay fanaaniintii iyo abawaannadii ka sheegeen goobta uu aasku ka dhacayay.

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xilligii ay jirtay dowladdii Kacaanka maareeye ka soo noqday tiyaatarka Muqdisho ayaa isna aaska ka hadlay isagoo xusay in marxuumka uu ahaa dhallinyaradii fanka kasoo galay degmooyinka gobolka Banaadir, uuna wax badan bulshada kusoo kordhiyay, gaar ahaan dhanka jilista iyo majaajilada.

Wasiirka warfaafinta Somalia, Mustaf  Shiikh Cali Dhuxulow oo isaguna ka hadlay goobta ayaa fanaaniinta iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka warhayaan agoontii uu ka tagay, wuxuuna xusay in wasaaraddiisu ay il-gaar ah ku eegi doonto agoonta.

“Waxaan tacsida la qayb-sanaynaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriday marxuumka, waxaana Alle uga baryaynaa inuu Jannadiisa ka waraabiyo, ehelada iyo asaxaabta uu ka tegeyna samir iyo iimaan ALLE haka haka siiyo,” ayuu yiri Dhuxuloow.

Goobta aasku ka dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa labadii wiil ee uu dhalay marxuum Ilka-Case kuwaasoo ay ka muuqatay calool xumo, iyadoo maydka marxuumka oo laga helay gurigiisa aan la ogeyn illaa hadda sababta dhalisay geeridiisa deg-degga ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya