
Axad, November 23, 2014 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ayaa caawa u sheegay warbaahinta in toogashadii 28-kii ruux ee Kenyaan ah oo shalay ay Al-shabaab ku dishay deegaan ku dhow degmada Mandheera xilli ay u socdeen Nairobi ay ugu aargudeen in ka badan 100 dagaalyahan oo Xarakada Al-shabaab ka tirsan.
William Ruto oo ka hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Kenya ayaa xusay inay bartilmaameedsadeen dagaalyahanno ka tirsan argagaxsida calaamiga ah iyo xoogagga Al-shabaab oo saldhigyo ku leh Somalia. Isagoo intaas raaciyay in ciidamada dalka Kenya ay ilaalinayaan xuquuqda shacabkooda oo ay ku jiraan kuwii masaajidda loogu galay.
“Farriinteennu waa mid cad; idinku waxaad disheen shacab aan waxba galabsan. Weerar walba oo aad Kenya iyo shacabkeeda aad kusoo qaadaan, waan idin ka aargudi doonnaa meel walba oo aad tagtaan,” ayuu yiri Ruto oo kuwa uu ka hadlayo ula jeeday Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa haatan safar ku jooga magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu ka helay marti-qaad rasmi ah.
Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkii loo geystay 28-ka ruux ee Kenyan ah oo la socday bus ay ku safrayeen, kaddib markii ay ku weerareen baskooda meel ku dhow degmada Mandheera oo ka tirsab gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.
Sidoo kale, Ruto ayaa difaacay weerarkii ay ciidamada Kenya ku qaadeen dhawaan masjid ku yaalla magaalada Mombasa, isagoo sheegay inuu ahaa mid dhallinyarada maskaxda looga bedelo si ay wuxuu ugu yeeray kooxaha argagaxisada ugu biiraan.
“Meel walba oo lagu cibaadeysto oo xarun u noqota fikradaha argagaxisada, ma noqonayso meel cibaado,” ayuu hadalkiisa ku daray. Iyadoo ciidamada Kenya ay sheegeen inay masjidka ka heleen bambooyin iyo bastoolado lagu qariyay.
Maydadka 28-kii ruux ee Kenyanka ahaa ee shalay toogashada lagu dilay oo isugu jiray 19 rag ah iyo sagaal dumar ah ayaa loo duuliyay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya halkaa oo ay xukuumaddu sheegtay in loogu sameyn doono aas wadajir ah.
Sarkaal u hadlay ururrada bulshada rayidka Kenya ayaa isagana sheegay inay dhigayaan dibadbaxyo ay ku muujinayaan ammaanka sii xukumaanaya ee ka jira dalkooda Kenya.
Kenya ayaa marti u noqday dilal qorsheysan, qaraxyo iyo weerarro toos ah oo ay dalkaas ka fuliso Al-shabaab tan iyo markii ay kumannaan askartooda ah u direen Somalia 2011-kii kuwaasoo ay sheegeen inay gudaha Somalia kula dagaalamayaan Al-shabaab.
Si kasta oo ay tahay, Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ma jiro weli hadal ku saabsan weerarka ay Kenya sheegtay inay ku dishay tirada ka badan 100-ka ruux ee ka tirsan xoogaggooda.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya