AMISOM oo ka hadashay dilkii 28-qof oo Kenyan ah ay u geysatay Al-shabaab


Axad, November 23, 2014 (HOL) — Wakiilka ururka Midowga Afrika iyo AMISOM ee Soomaaliya, danjire, Maman S. Sidikou ayaa si adag u cambaareeyay dilkii 28-ka ruux oo rakaab ah ay shalay Al-shabaab ugu geysatay deegaan ku dhow magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

War-saxaafadeed uu soo saaray danjire Maman Sidikou ayuu ku sheegay in toogashadaas ay ahayd mid arxan-darro ah oo loo geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, isagoo tacsi u diray xukuumadda Kenya, ciidanka AMISOM ee Kenya, ehellada iyo saaxiibbadii dadkan.

"Falkan naxariis-darrada ah wuxuu muujinayaa sida waxashnimada ah ee ay Al-shabaab u laynayso dadka aan waxba galabsan. Waana mid muujinaysa dambiyada dhiigga lagu daadinayo, taasoo lagula xisaabtami doono. Waxaan walaalaheen Kenya oo waqti adag ku jira waxaan u xaqiijinaynaa inaan ku garab-taagannahay rabitaankooda ah inay joojiyaan dilka waxashnimada ah iyo fowdo ay argagaxisadu ka waddo dalkooda,"ayuu yiri danjire Sidikou.

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu sheegay in xukuumadaha Soomaaliya iyo Kenya ay ka taageerayaan sidii lagu sii dayn lahaa dhowr qof oo rakaabkii buska ka mid ah oo ay Al-shabaab qafaasheen dilka kaddib.

Xarakada Al-shabaab ee Somalia aya sheegatay dilka 28-ka qof oo lagu dilay aroornimadii hore ee shalay oo Sabti ahayd deegaan 30-km bari kaga beegan degmada Mandheera oo ku dhow soohdinta Somalia.

Hadalka danjire Maman Sidikou ayaa imaanaya xilli madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Somalia ay iyaguna tacsi u direen shacabka iyo xukuumadda Kenya, iyagoo sheegay inuu falkaasi ahaa mid arxan-darro ah oo lagu dilay dad aan waxba galabsan oo safar ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya