Axad, November 23, 2014 (HOL) — In ku dhow 800 ruux oo ay ku jiraan tahriibayaal Soomaaliyeed ayaa laga soo badbaadiyay bada Mediterranean-ka 48-kii saacadood ee lasoo dhaafay, sida AFP kasoo xigatay saraakiil ka tirsan ciidamada badda dalalka Talyaaniga iyo Liibiya.
Ciidamada xeebaha waddanka Talyaaniga ayaa sheegay in shalay oo keliya ay soo bad-baadiyeen illaa 520 qof oo saarnaa ku dhaawad shan doomood oo ay ku safrayeen, iyadoo taasi ay qayb ka tahay dadaallada dowladda Talyaanigu ku doonayo inay ku yareeyo dadka muhaajiriinta ah ee ka imaanaya Afrika.
Sidoo kale, 171-qof ayaa waxaa badbaadiyay ciidamada ilaalada badda dalka Liibiya xili doontoodu a mareesay waqooyiga Tripoli, si ay ugu safraan dalka Talyaaniga.
Dhanka kale, ciidamada badda Talyaaniga ayaa sheegay inay badbaadiyeen 105 ruux oo muhaajiriin ah xilli doonidii ay la socdeen ay ku dagtay xeebta Garabulli oo 50-km dhanka bari kaga beegan magaalada Tripoli.
Si kastaba ha ahaatee, sannadkii 2013-kii in ka badan 8,000 oo muhaajiriin ah, ayna ku jiraan Soomaali ayaa gaaray Talyaaniga, waxaana dowladdaasi ay sheegtay inay ka hortegi doonto muhaajiriinta kusoo qulqulaya dalkeeda.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya