Arday Olole Nadaafadeed ka Sameeyay Magaalada Taleex ee Sool (SAWIRRO)


Axad, November 23, 2014 (HOL) — Olole nadaafadeed ayaa degmada Taleex ee gobolka Sool laga sameeyay, kaasoo ay sameeyeen ardayda dhigta dugsiga sare ee JEERIN oo ku yaalla Taleex.

Meelo kala duwan ayay ardaydu oo ku lebisan dharka iskuulku ka gureen qashin, meelahaasoo ay ka mid tahay daarta Taariikhiga ah ee Silsiladda oo ahaan jirtey xaruntii Daraawiishta.

Guddoomiyah ururka ardayda dugsiga sare ee JEERIN, Axmed Mawliid Caarshe ayaa sheegay inay ardaydu soo wadeen ololahan nadaafadeed tan iyo bishii 10-aad ee sanadkan xili ay ka baqeen in cudurro aafo geysta ay ka dilaacaan magaaladooda.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa xusay inaanay wax gacan ah ka helin meel kale, balse qaaraan ay goobaha ganacsiga ka ururiyeen ay u adeegsadaan shidaalka gaadiidka qaadaya qashinka oo iyaga laftooda ay ku sheegeen in ay caawiyeen.

Ardayda ayaa ku qanacsanaa waqtiga ay hawsha ku guda jireen mana jirin wax dadweyne ah oo gacan ka siinayay sidii loo nadiifin lahaa xaafadaha degmadaas ay ka kooban tahay.

Qaar ka mid ah ardayda ayaa muujiyey dareenkooda ku wajan hawsha ay dusha u riteen ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay waxbarashadooda sii wataan magaaladoodana nadiifiyeen.

Ugu dambeyn, ardayda ayaa mar walba baaq nabadeed u jeedinayaan dadka deegaankaas oo ay u dhexeysay xiisad colaadeed oo beelo-beelo ku dhisan, iyagoo ka digay colaad inay dhacdo.

Ololahan ayaa dad badan qabaan inuu ka mid yahay hawlaha ay ardaydu kaga qayb qaada-nayso is-dhexgalka bulshada degta magaalada Taleex ee gobolka Sool.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool