Shacabka Tunisia oo Maanta u dareeray doorashadii ugu horreysay oo xor ah

Axad, November 23, 2014 (HOL) — Shacabka dalka Tunisiya ayaa maanta si rasmi ah ugu dareeray goobaha la dhigay sanaadiiqda cod bixinta ee dalkaas, iyadoo ay codayn doonaan dad lagu qiyaasay 5.2 Milyan ruux ,waxaana ku tartami doona ilaa iyo 27 musharax sida la shaaciyay.

Waxaa la sheegay in doorashadan ay noqon doonto middii ugu horeysay oo xor ah ,tan iyo markii Tunusiya ay xornimada ka qaadatay dalka Faransiiska sanadkii 1956-dii,iyada oo doorashadan lagu arki doono madaxweyne xil ku wareejinaya mid kale markii ugu horeysay taariikhda dalkas.

Kacdoon dadweyne ayaa xilka looga tuuray madaxweynihii muddada soo xukumayay Tunisia ee Zayd Abidin ,waxaana si KMG gaar ah xukunka u soo hayay Moncef Marzouki oo talada la wareegay waqti un yar ka dib kacdoonka.

Waxaa doorashadan  goob joog ka ahaan doona 22,000 oo ruux dad lagu qiyaasay oo ka socda dowladaha dariska ah iyo waliba beesha caalamka, kuwaasoo qiimayn doona habka ay doorashadu u dhacayso, iyadoo la adkeeyay amniga goobaha ay codbixintu ka dhacayso.

Codbixinta ayaa la bilaabay saaka xilli hore ,waxaana lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo 6 maqrabnimo xilliga Tunisiya ,waxaana maamulka KMG ah ee dalkaas ku baaqay in si  nabad ah looga qayb-galo codbixinta.

Ugu danbayntii Tunisia ayaa lagu xasuustaa kacdoonkii caanka noqday ee lagu riday madaxweynayaal uu kamid ahaa Qadafi oo muddo dheer soo xukumayay Libya ,waxaana natijada hordhaca ah lagu dhawaaqi doonaa maalinimada Isninta.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]