Xildhibaanno ka digay in baarlamanka la keeno Mooshinka ka dhanka ah RW

Axad, November 23, 2014 (HOL) — Xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka laga RW Somalia, C/weli Sheekh Axmed laga keenay ayaa ka digay in baarlamaanka la horkeeno mooshinka ka dhanka ah RW Somalia, kaasoo ay ku tilmaameen mid aan xalaal ahayn.

Bashiir Ugaas oo ka mid ah xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinkan oo la hadlay VOA ayaa xusay in go’aankoodii hore ay ka taagan yihiin in la keeno baarlamaanka mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha Somalia.

“Innagu mowqifkii hore ayaan weli qabnaa, mana la keeni karo baarlamaanka mooshin aan xalaal ahayn, waxaana ka digaynaa in baarlamaanka berry la horkeeno mooshinkaas lagana abuuro baarlamaanka qalalaas,” ayuu yiri xildhibaan Bashiir Ugaas.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay ay isku diyaarinayaan inay la kulmaan afhayeenka golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) oo uu sheegya inay kala hadli doonaan kulanka berri qabsoomaya inaan la hor-keenin baarlamaanka Somalia.

“Waxaanu doonaynaa inaan guddoomiyaha kala hadalno in kulanka berri ee baarlamaanka aan la horkeenin mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha, waxaana sidoo kale jooga xildhibaannadii mooshinka keenay oo doonaya in ay iyaguna la kulmaan guddoomiyaha,” ayuu xildhibaan Bashiir Ugaas ku yiri wargeysigiisa.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay tiro ahaan isku kalsoon yihiin ayna qabaan inaan looga cod badin doonin haddii mooshinka cod loo qaado, balse ay kasoo horjeedaan in baarlamaanka la keeno mooshin lasoo abaabulay oo ay u arkaan mid xukuumadda lagu duminayo.

Mar la weydiiyay xildhibaanka Bashiir su’aal ahayd haddii ay isku kalsoon yihiin sababta ay buuqa uga sameynayaa baarlamaanka oo ay kalsooni ugu qabi la’yihiin in cod lagu kala baxo, ayaa ku jawaabay, in midda ay diiddan yihiin ay tahay in mooshin aan sax ahayn la horkeeno baarlamaanka.

Ugu dambeyn, xildhibaanku wuxuu sheegay inay mowqifkii hore mid la mid ah istaagi doonaan haddii mooshin ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha la hor-keeno baarlamaanka, isagoo ku taliyay in xildhibaannada baarlamaanka ay khilaafkooda dibadda ku xalliyaan.

Dhanka kale, xildhibaannada mooshinka keenay oo iyaguna kula Muqdisho ku yeeshay ayaa ku taliyay inaan wax carqalad ah laga abuurin kulanka uu baarlamaanku yeelanayo laguna kala baxo cod.

Si kastaba ha ahaatee, laba kulan oo baarlamaanku uga hadli lahaa arrinta mooshinka ayaa qabsoomi waayay, kaddib markii xildhibaannada mooshinka diiddan ay buuq sameeyeen, mana jirto illaa hadda wax tallaabo ah oo uu ka qaatay arrintaas guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya