
Sabti, December 20, 2014 (HOL) — Guddiga ilaalinta iyo daba-galka hantidda Qaranka ee golaha wakiillada Somaliland ayaa maanta soo bandhigeen warbixnno ay ka diyaariyeen kulammo iyo wareysi ay la yeesheen mas’uuliyiinta hay'adaha SL iyo hanti-dhowraha.
Guddoomiyaha guddi hoosaadka golaha wakiillada ee daba-galka hantidda SL, Maxamed Cali Xirsi (Obama) ayaa warbixin dheer ka diyaariyay hantida Qaranka iyo caqabaha ka hor-yimid intii ay howsha diyaarinta ku gudo-jireen.
Sidoo kale, guddigan oo muddo baaristooda ku waday hanaanka hay’aduhu ku shaqeeyaan iyo siday uga hawl-gasho ilaalinta hantida, sida xisaab-xirada & baarisaha meelaha musuq-maasuqu ka dhaco ayaa sheegtay inaan gabi ahaan hay’aduhu guddan hawlihii ay Qaranka u xil-saarteen, isla markaana aanay wada-shaqayni ka dhexeyn madaxda hay’adda.
Waxay kaloo sheegeen in madaxda Hanti-dhowrku ay la shaqayn waayeen guddiga oo ka dalbatay inay si cad ugu soo bandhigtay xisaab-xirka miisaaniyadaha Qaranka iyo meelaha hanti-dhowrku u galay arrimo musuq-maasuq uu ku gabo-gabeeyay .
Guddida oo sawiraysa sida ay madaxda hanti-dhowrka guud uga dhego-adaygeen guddiga baarista ku haysay sidii ay u ogaan lahaayeen in hantida Qaranka la ilaaliyay lana raacay shuruucda u degsan ayaa warbixintooda ku yidhi. “Tusaale, guddigu waxay hanti-dhawrka la qaateen kulammo aad u faro-badan labadii sano ee ugu danbeeyay.”
Haddaba halkan hoose kasoo Rogo Warbixinnada Guddiga:
1. WARBIXINTA GUDDIGU SOO SAARAY
2. WARBIXINTA KORMEERKA GUDDIGA
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland