Ciidammo ka Tirsanaa Milateriga Soomaaliya oo ku Geeriyooday Shil Baabuur

Sabti, December 20, 2014 (HOL) — Wararka laga helayo deegaanka Cali-yaale ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya inay saddex askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ay ku geeriyoodeen shil gaari oo ka dhacay deegaankaa shalay gellinkii dambe.

Shilkan baabuur ayaa sidoo kale sababay dhaawayada shan askari oo kale, kuwaasoo isla markiiba la dhigay isbitaallo ku yaalla gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo saddex ka mid ah askartan dhaawaca ah xaaladooda laga dayrinayo.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga ay wateen ciidanka uu dhimashada iyo dhaawucu soo gaareen uu si lama filaan ah ula rogmaday, xilli uu ku socday xawaare sare, taasoo keentay khasaaraha askartan soo gaaray.

Ciidamadan dhimashada iyo dhaawucu ay soo kala gaareen ayaa dhamaantood ka tirsanaa guutada sagaalaad ee ciidamada xoogga dalka, kuwaasoo howl-gallo kawada qaybo ka mid ah gobolka Shabeellada dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, shilalka ay khasaaraha kasoo gaaraan ciidanka xoogga dalka ayaa inta badan ka dhaca gobollada dalka iyo Muqdisho, iyadoo la sheego in khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaro ciidamada gaadiidka ay wataan oo rogmada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya