Qarax ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac oo Maanta ka dhacay Kismaayo

Sabti, December 20, 2014 (HOL) —  Qaraxan oo ka dhashay goob lagu gubayay qashin ayaa sababay dhimashada hal qof iyo dhaawacyo soo gaaray labada kale, waxaana qaraxu ahaa mid aad u xooggan oo laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada.

Goobjooge ku sugnaa agagaarka halkii uu qaraxa ka dhacay ayaa HOL u sheegay in qaraxu yimid kadib markii nin qashin ku gubayay boos bannaan oo ku yaal xaafadda Siinaay ee magaalada Kismaayo uu ku qarxay hub ku aasnaa halkaasi, taasoo sababtay dhimashada ninkii qashinka gubayay iyo dhaawacyo soo gaaray laba qof.

Laba qof ee ku dhaawacantay qaraxa ayaa ah carruur ka agdhawayd halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana soo gaaray dhaawacyo halis ah, iyadoo loola cararay isbitalka guud ee magaalada Kismaayo si loogu daweeyo.

Dalka Soomaaliya oo soo maray dagaallo sokeeye oo daba dheeraaday ayaa waxaa aalaaba ka dhaca qaraxyo ka dhasha hubka ku aasan goobaha ay isticmaalaan bulshada, kaasoo ku qarxa kadib markii dab lagu shido amaba ay carruurta yar yari gargaraacaan.

Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan carruurta ayaa u baahan in laga wacyi-geliyo ka foojig-naanta walxaha qarxa, gaar ahaan in dab lagu shido amaba la gargaraaco waxyaalaha ay ka shakiyaan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya