
Sabti, December 20, 2014 (HOL) — Taliyaha ciidamada Badda Puntland C/risaaq Diiriye Faarax ayaa dhagax-dhigay saldhig loogu tala-galay inay dagaan ciidanka badda Puntland, kaasoo laga dhisi doono degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Mas’uuliyiin uu ka mid yahay duqa Eyl, Muuse Cismaan, ku-xigeenkiisa, odayaasha iyo xubno la socday taliyaha ciidanka badda Puntland ayaa ka qayb-galay munaasabaddii xariga looga jarayay xaruntan cusub.
“Marka hore waxaan halkan u imid inaan u kuur-galo xaaladda guud ee degmada iyo in la dhimo khatarta kooxaha burcad-badeedda,“ ayuu yiri Cabdirisaaq Diiriye oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Duqa degmada Eyl Muuse Cismaan ayaa ku wareejiyay hogaanka ciidanka badda dhul dhan 300M X 300M,waxaana maalmo ka hor howl-galo laga sameeyay degmada iyo hareeraheeda lagu soo qab-qabtay rag looga shakisan-yahay burcad-badeednimo.
“Xaruntan waxaa loogu tala-galay in lagu tababarro ciidamada iyo in laga abaabulo howl-gallada tooska ah “ayuu yiri taliyaha oo sheegay in maamulka ay ka go’antahay sidii loo soo afjari lahaa kooxaha burcad badeedda ah.
Ugu dambeyn, taliyaha ayaa ka codsaday in lala shaqeeyo ciidamada soo dagi doona xeradan cusub marka la dhiso ,iyadoo sanadihii la soo dhaafay hoos u dhac weyn laga dareemayay weerarrada kooxaha burcad badeedda ay ku qaadayaan maraakiibta shisheeye.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]