Wasaaradda Gaadiidka oo xarun ka furatay G. Shabeellada dhexe (SAWIRRO)


Sabti, December 20, 2014 (HOL) — Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo xarigga looga jarayay xarunta wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada   ayaa maanta ka dhacday magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Munaasabaddan oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin, qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Jowhar ku dhaqan, mas’uuliyiin gobol oo ay ka mid ahaayeen, guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada, Muxumed Sugaal, guddoomiyaha degmada Jowhar, Maxamad Cali Muudeey (Kalaay) iyo xog-hayaha gobolka, ayaa waxaa hadal ku furay isku-duwaha wasaaradda ee gobolka Shabeellada Dhexe, Xasan Cali Caadle (Xaraare) oo sheegay inay wasaaraddu 24-sano ah kaddib xarunteedii ugu horreysay ay si rasmi ah  uga furato gobolka Shabeellada Dhexe, haddii aan lala shaqeyna aysan keligeed waxba qaban karin.

Sidoo kale, Xaraare wuxuu sheegay inay muhiim tahay in gaadiidka gobolka ka shaqeeya la diiwaan-geliyo, taasoo qayb ka ah sugidda ammaanka guud ee gobolka, si ay meesha uga baxaan baabuurta loo adeegsanayo falalka ka dhanka ah amniga guud.

Waxaa isaguna xaflada furitaanka xaruntan hadal ka jeediyay guddoomiyaha iskaashada gaadiidka gobolka Shabeellada Dhexe, isagoo ballanqaaday in ka guddi ahaan ay u hoggaansami doonaan amarrada kasoo baxda wasaaradda gaadiidka, isagoo gaadiidleyda ugu baaqay in wasaaradda ay si buuxda ula shaqeeyaan.

Dhanka kale, xafladda furitaanka waxaa ka hadlay oday-dhaqanka ka mid ah kuwa gobolka oo lagu magacaabo, Isloow  Dhaqane Indhogiir oo ammaanay tallaabada wasaaradda gaadiidku qaaday, taasoo uu ku sheegay inay tahay mid geesinimo ah, isla markaaana ku dayasho mudan, isagoo intaa ku daray inay dowladnimada dhabta ahi tahay in wasaaradaha xukuumaddu ay dalka oo dhan isku ballaariyaan. Isagoo maamulka gobolka Shabeellada Dhexe ugu baaqay in wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ay howsheeda ku garab-istaagaan.

Taliyaha ciidamada nabad-galyada waddooyinka gobolka SH/Dhexe, G/lle C/llaahi Cali (Madaxeey) oo isna munaasabadda ka hadley ayaa xusay in ay la shaqeyn doonaan wasaaradda gaadiidka, sidoo kalena ay wax weyn ka qaban doonaan howlaha lagu sugayo ammaanka waddooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, xaruntan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay oo muddo 24-sano ah kaddib laga furo gobolka Shabeellada dhexe, xilligaasoo ay dalku galay dagaalka sokeeye.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya