Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo xukuntay eedeysanayaal la horgeeyay

Sabti, December 20, 2014 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya oo maanta u fariisatay dacwad loo haystay toban eedeysane iyadoo ku ridday xukunno kala duwan.

Fadhiga dhageysiga dacwadda oo ka dhacda degmada Afgooye ee gobolka Sh. Hoose ayaa xafiiska xeer-ilaalintu waxay horgeysay eedeymihii loo haystay eedeysanayaashan oo ay ugu weyneyd isbaarooyin ay u dhigan jireen dadka iyo gaadiidka waddooyinka gobolkaas isticmaala.

Tobankaan eedeysane ee maxkamadda la hor-geeyay ayaa waxaa ka mid ah ruux dhaawac qabay kasoo gaaray xilli ay ka qaadayeen ciidamada dowladda Soomaaliya isbaarooyin u yaallay waddooyinka gobolka qaarkood.

Caddeymo iyo mar-qaatiyaal kaddib maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa toddoba ka mid ah eedeysanayaashan ku ridday xukunno u dhexeeya saddex illaa iyo 15-sano oo xabsi ciidan ah, halka lasii daayo saddexdii kale oo lagu waayay eedeymihii loo haystay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidanka qalabka sida ay xukunno ku riddo eedeysanayaal lagu soo eedeeyay inay is-baarooyin dhigtaan qaar ka mid ah waddooyinka gobollada dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya